Qolka reer masar – allsomalinet

Walaaliyaal uga horeyn iga gudooma salaan qaali ah haddii aad tihiin dhaliinta qolka reer masar. Salaan kadib waxaan filiyaa walaaliyaal in aad isoo dhaweyn doontaan insha allah. Tan kale walaaliyaal aniga waxaan ka tirsanaa ama aan member ka ahaa qolka Somali galbeed balse nasiib daro qolkii magaciisi waa la badalay oo waxaa lugu badalay ogadeen walahii waa wax laga xumaada in magac qaran uu leeyahay lagu badalo magac qabiil oo ah ogadeen… una bixiyay gumeystihii ingiriiska . run ahaantii haddii aan nahay dhaliinta Somali galbeed codsiyo badan waan u dirnay ururka webka iska leh ee Somali net lakinse waxaad u maleysaa in ay dhinac u janjeeran …
Marka aad fiirisid boga 1aad ee webka somalinet waxaa lugu qoray in wax qabiil ah ama cay ah aan meesha lakeeni Karin balse waxaad u malleysaa in dad qaar ah ay qabato cayda ama qabiilka ay meesha ku soo qoreen qolka Somali galbeed ee hada la badalay dad ayaa qabiil ku dhax haya, way caytamiyaan wax la hadlaayo arki mahaysid balse anaga haddii aan nahay dhaliinta Somali galbeed qaarkeen membernimada ayaa laga saaray qaarkeen kalena comentigii ama fikradihii saliimka ahaa ee ay soo qorteen ayaa laga tirtiray oo waxaa nagula qasbay in aan ogadeen tageerno marka taas cadaal miyaa mise cadaalad daro????????/
Sida aad u ogtihiin dhulka Somali galbeed waxaa dagan qabiilo kala duwan oo ka kooban somalida oo idil waa dhul u dhaxeeyo somalida oo idil meel kasta ha joogeene ama luuqad kasta ha ku hadleene.. lakinse waxaa nasib daro ah in dad qaar oo ay ka mid yahiin ururka somalinet ay fahmi wayaan taas oo dhinac ay u bataan.. magacii qarankana ay naga badalaan magac qabiilna ay meesha keenan..

Waad mahadsantiin dhaliinta qolka reer masar THANKS……

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *