Markab

wel come somalidutch media

Thailand:Markab dhawaan ay burburiyeen Ciidamada Badda India oo ay sheegeen in ay
lahaayeen Kooxaha burcad badeeda oo ay soo bexeeyso in laga lahaa Wadanka Thailand.

   Markab dhawaan ciidamada Badda wadanka India ay sheegeen In ay lahaayeen koox

aha burcad badeeda Soomaalida isla markana ay burburiyeen ayaa waxaa soo baxaya in laga lahaa wadanka Thailand.Milkiilaha

markab laga lahaa wadanka Thailnd Wicharn Sirichaiekawat ayaa sheegay in si qaladan ay u quusiyeen markabkiisa Ciidamada

India iyagoo ku qalday markab ay lahaayeen kooxaha Burcad badeeda Soomaalida.Wicharn Sirichaiekawat ayaa waxaa uu sheegay In

weerar qaldan uu ku soo qaaday markabka dagaal ee wadanka India markabka lagu magacaabo Ekawat Nava 5 kaasi oo kooxaha burcad

badeeda ay gacanta ku hayeen.Mr Wicharn waxaa uu warfidiyeenada u sheegay isagoo ku sugan magaalada Bangkok ee wadanka

Thailand in markabka Ekawat Nava 5 uu ku sii jeedaya marka la afduubanayay wadanka Yemen isagoo ka soo kicitimay wadanka

Cuman waxana uu siday buu yiri qalab kaluumeeysi waxana ay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah oo wata labo doomood oo dheer

aya ay ka afduubteen xeebaha Gacanka Cadmeed.Markabka la quusiyay ee ay ciidamada Badda India sheegteen in uu yahay hooyada

Burcad Badeeda ayaa waxaa uu sheegay in xaalka uusan sidaasi aheeyn markabka aysan lehey Burcad badeed.Kooxaha burcad badeeda

waxaa ay rabeen in markabkeena ay u wataana xeebaha dalka Soomaaliya ayuu Yiri Mr Wicharn.Sidoo kale waxa uu sheegay

Mr:Wicharn in nin ka mid ahaa shaqaalaha markabka Ekawat Nava 5 la helay kaasi oo sheegay in 26-ka mid ahaa shaqalaha markaba-

asi la weysan yahay.Afhayeen u hadlay ciidamada Badda India oo lagu magacaabo Nirad Sinha ayaa horay u sheegay in

ciidamadooda ay isdifaaceen isla markana markabkani ay lahaayeen kooxaha burcad badeeda ayna ku soo weerareen rasaas iyo

qaraxyo.Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa la tilmaamay in lagu heysto illaa 17-markab isla markana sanadkan oo kaliya lagu weerar

ay illaa 40-markab kuwasi oo qaarkooda ka baxsaday halka qaar kale ay madaxfurasho ku sii daayeen.

somalidutch

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *