Dowladaha somalia iyo yemen oo ka wada hadlay xaaladdaha maraakiibta somalia iyo tababarka ciiddamadda. | warar sugan

Apr 9, 2013 –

Number of View: 15

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Yemen Abu Bakr Al-Qirbi, waxa uu manta Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibada ee Somalia, Maxamed Nuur Gacal iyo Wafdi uu Hoggaaminaayay oo maalmahaani Socdaal Shaqo ku joogay Magaaladda Sanca.

Labada Mas’uul, waxay ka wada hadleen Xeriirka labada dal iyo Qoddobo kale oo muhiim u ah Horumarinta Danaha Labada Wadan.

Wakaaladda Wararka u faafisa Yemen (SABA), ayaa sheegtay in labada dhinac ay ka wada Munaaqashoodeen Taageerida Dadaalka Dowladda Dhexe ee Somalia ee lagu Aasaasayo Midnimada Qaranka Somalia.

Labada Wasiir waxay kaloo kulankooda kaga wada hadleen, xaaladda Maraakiibta Soomaalida eek u dayacan Dekeda Cadan, iskaashiga sidii loo tababari lahaa Ciiddamadad Somalia iyo Hawlaha kale ee Hay’adaha Dowladda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Yemen Abu Bakr Al-Qirbi, ayaa sheegay inay Dowladiisu ka go’an tahay Taageerida Dowladda Somalia oo uu xusay inay Dadaal ugu jirto sidii loo sameyn lahaa Qaranka Somalia.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibada ee Somalia, Maxamed Nuur Gacal, ayaa isagana ka hadlay Kaalinta Dowladda Yemen ay ka qaadato Dadaalka Dowladda Somalia, Wuxuuna ka mahad celiyay sidii Dowladda Yemen ay u martigalisay Qaxootiga Soomaalida eek u nool Yemen.

Dalka Yemen waxaa ku nool in kabadan 1-million oo Qaxooti Somali, kuwaasi oo loo ogolaaday inay Sharci la’aan ku noolaadan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *