The eye of somaliland news – sama

Igama aha inaan faan aan meel jirin halkan ka sheego balse waxa run ah in  wixii la
arko ee mushtamaca faa,iido u leh  ciddii samaysa ama ku garab-gasha ciddii wanaaga
samaynaysa lagu taageero dadka meeshaa ku nool wanaagooda la sheego, taasi waxaa
markhaati u ah  hay,adaha samafalka ah ee sida joogtada ah u imanaya magaalada
borama, ugu yaraan sannadkiiba laba goor. taasi oo meelkasta oo somaalidu ku
nooshahay layskaga yimaado qofkasta oo soo gaadhi karaaba, taasina waa wax lagu
helay nabad- jacaylka oo aqoontu fure, u tahay. waxa kale oo taasi la mid ah
jaamacadda ballaadhan ee cammuud university oo iyadana faa,iidadeeda aan la soo
koobi karin. dadka maamulkeeda haya iyo ciddii abuurkeeda lahayd iyo cidda caawimo
dhaqaale u fidisaana  ajar  ballaadhan ilaahay agtiisa ay ku leeyihiin. sidoo kale
waxa iyaguna mashruuc ballaadhan oo umadda  wax u tari doona soo  wada horena qaar
kale oo badan u sameeyay bahda  walaaleheen ee cammuud  foundation iyaganuna
taageero iyo wanaag la tuso laysna garab taago  ayay mudan yihiin.  sidoo kale(
iqra) oo dhinaca  wax barashada kaalin ballaadhan kaga jirta ayaa iyaguna ka mid ah
ururada samafalka ah ee ummadda wax u qabtay.  dhammaantoona wixii ay qabteen wuu
muuqdaa. iyo weliba caawimooyinka dumarka samaroor ay wada jir iyo kali ahaanba ay
wax u qabtaana way jiraan.  iyaguna kaalintoodii meel fiican ayay kaga jiraan kuwa
qurbaha joogana  wax yar dadaalka samafalka ah kordhiya ayaan ka codsan lahaa
maaddaama ay  qaarkood maanta shaqooyin hayaan oo sidii dhulkeennii looga bartay
aanay guryaha uun fadhiyin.  

run ahaantii ururo kale oo tiro ahaan badani way jiraan sida kuwa waddooyinka iyo
garoonada kubadda  iyo waxyaabo kale oo badan qabtaa oo ay weliba qolooyinka
siyaasadda ku shaqaysta ay aad iyo aad uga fiican yihiin. iyagana garabkooda allah
ha galo. gaba-gabadii waa maxay faa,iidooyinka wax qabad ee siyaasiyiinta aynu ka
helay? waase kuma ayaa la odhan karaa siyaasigii ugu wax qabad-roonaa gobolka awdal
iyo agagaarkiisa muxuuse qabtay. xataa ninka kursiga colaadda huwan ku fadhiya mr
daahir riyaale kaahin?

 nabadeey wa billahi tawfiiq  this is just my opinion as mr abdirahman barre.


[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *