Welcom to truesomali website

Waxaan beryahaan laysla dhex marayey warar aan sal iyo baartoona laheyn oo ku saabsan
in Jaamac Cali Jaamac oo hub kala soo degay Magaalda Laasanood
isagoo isku diyaarinaya in dagaal ku qaado C/laahi Yuusuf oo isaga kaga xoog roonaadey dagaalkii
dhowaan lagaga saaray Boosaaso.
Hadaba waxaan arintaa ka hadlay Garaadada beelaha Degaankaas iyo siyaasiin ay ka mid yihiin
Madaxweynihii ku xigeenkii Jaamac Cali Jaamac Mr.Axmed Xaaji Maxamuud Goole. Waxay odayaashaasi
carabka ku dhufteen beenta laysla dhexmarayo is lagu marin habaabiyo ama colaad looga oogo beelaha
ku nool degaankaas.
Jaamac Cali Jaamac waxaa uu marti ku ahaa Laasanood , taas oo macnaheedu yahay qofwalba oo ku abtirsada
bulshada Somaaliyeed uu iman karo Laasanood nabadgelyana ugu nool karo.
Laasanood waxay maanta Soomaliya u meteleysaa cariga Ingiriiska oo ahaa gurri dad ay nabadgelyo weydiisan
jireen Boqortooyada wadanka Ingiriiska.
Ma jiraan mana jiri doonto in Laasanood noqoto saldhig ay
ku hardamaan C/laahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac, wararkan ku saabsan hub ayaa ka soo degay L/anood
hubkaas oo yimi Jaamac Cali Jaamac ha heyno wax cadeyn ah, kooxaha iyagu og inuu hub deegaanka yimi
waxaanu weydiin laheyn, maadaama aan nahay odayadii degaanka xogogaalna aan u nahay wixii ka dhacayey
degaanka, xagee ayey warka ka helaan dadka ku andacoonaya hub ayaa u soo degay Jaamac Cali Jaamac ayuu
yiri Xaaji Ismaaciil oo ka mid ahaa odayadii ka hadalay arintaas.
Khilaaf kale oo dhexeeyey Mudane Maxamed Cabdi Xaashi iyo C/laahi Yuusuf ayaad isana aad moodaa in loo
sooray niman ka tirsan baarlamanka Puntland si ay u soo afjaraan khilaafka ka dhexeeya labadaa nin.

Axmed aadan waceys L/nood Sool

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *